Wefdigii Puntland uga qaybgalay shirka wadatashiga dib ugu soo laabtay Garowe

September 7, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa maantasoo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland wafdi Puntlland uga soo qayb galay shirka wadatashiga ee  ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada ee Puntlland Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo isagu hogaaminayey wafdiga maanta dib ugu soo laabtay Garoowe ayaa saxaafada u sheegay in shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho uu guul ku soo dhamaaday.

Wasiirka Waxbarashada ee Puntlland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa xusay in laga dooday arrimo dhowr ah oo ku aadan amniga qaabka loo soo xulaya xubnaha baarlamaanka cusub iyo weliba inta tiradoodu ay noqonaysao waxaan uu wasiirku sheegay in dhamaan wixii laga wada hadlay la isla meel dhigay.

Wasiirka Waxbarashada ee Puntlland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa sheegay in qodobka qaabka loo soo xulay Baarlamaanka cusub uu dhaliyey dood dheer ka dibna dib loogu dhigay shirka danbe ee dhici doona, dhinac maamul Gobolleedyada la dhisayo ayaa waxaa lagu hishiiyey in laga dhigo 2 Gobol iyo wixii ka badan  DFKM ay arrintaas dhiiri geliso

Wasiirka Waxbarashada ee Puntlland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay muuqatay yididiilo fiican , wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyey in la isku raacay in wajiga 2aad ee shirka wadatashiga uu ka dhici doono magaalada Garoowe loogana hadli doono arrimaha weli dhiman.

Wefdiga Puntland uga qayb galay shirka wadatashiag ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka koobnaa ilaa iyo 25 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada ee Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online