Xubnaha joogtada ah ee Golaha deegaanka Boosaaso oo la dhaariyey
September 10, 2011 - Written byBoosaaso:Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey xub naha joogtada ah ee golaha deegaanka Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari , kulanka oo furmay saaka ayaa waxaa shirka goob joog ka ahaa dhamaan masuuliyiinta Gobolka Bari heer Gobol iyo mid degmo.
Kulanka ayaa waxaa kale oo joogay wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali Jaamac iyo Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Siciid Maxamed Raage, Guddoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Galan iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha xukuumada iyo maamulka Gobolka Bari.
Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 24 xubnood oo ka mid ah golaha degaanka Boosaaso waxaa si gacan taag ah loo doortay ilaa 9 xubnood oo noqon doona xubnaha joogta ah, Duqa magaalada Boosaaso Xassan Cabdulle oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacday jawi wanaagsan , xubnaha Joog tada ah ayaa markii ugu horeysay waxaa ka mid noqday ilaa 3 dumar ah.
M_M_Deeq
Halgan.net