Fatwo laga soo saaray isku daygii lagu khaarajin lahaa Abu Mansuur Al-amriki .

April 30, 2013 - Written by Editor

fatwoMuqdisho:-Waxaa mar kale saaka lagu faafiyey mareegta  aljahad. com  oo ka mid ah mareegaha lagu faafiyey wararka urur weynaha Al-qacida  Fatwo ay soo saareen  qaar ka mid ah culimada ururka Al-shabaab ayna kaga hadleen  isku daygii dilka ahaa ee uu ka bad baaday Abu Mansuur Al-amriki .Culimada ururka Al-shabaab ee Fatwadaan soo saartay ayaa waxaa ay ka digeen in qof muslin ah dhiigiisa la banaysto ama si xaq daro ah lagu dilo iyagoo daliilo fara badan oo Quraanka iyo Sunadda Nebiga Naxariis iyo Nabadgelyo korkiis ha ahaateen soo aroori yey. Culimada ururka Al-shabaab ayaa sheegay in dadka si  gaarka ah loo beegsaday  ay kala yihiin:-

1-    Abu Mansuur Al-amriiki , oo yimid dalka Soomaaliya waqtigii Maxaakimta kana qayb qaatay dagaaladii ay shabaabku ku qabsadeen magaalada Baydhabo iyo Gobolka Bakool isagoo noqday  Hogaamiye Dagaal , waxaan markii danbe uu ka mid noqday Golaha Shuurada ee ururka Al-shabaab.

2-    Khidhaab Al-Masri oo isagan ka mid ahaa dadkii Muhaajiriinta ahaa ee ka garab dagaalamayey ururka Al-shabaab waxaan aad looga yaqaanay Gobolka Banaadir gaar ahaan Liido.

3-    Usaama Al-biridaani oo isagana ahaa dadkii Muhaajiriinta ahaa ee ka yimd dalka Ingiriiska kana garab dagaalaay ururka Al-shabaab ayan ku tilmaameen in uu yahay Askari leh sabir iyo Adkeysi.

Waa markii ugu horaysay oo qaar ka mid ah culimada ururka Al-shabaab ay soo saareen Fatwo ay kaga digayaan in la daadiyo dhiig qof Muslin ah, Qoraalada iyo Fatwada la soo geliyey mareegta aljahad. com  ayaa soo shaac bixiyey Khilaafka iyo muran u dhexeeya hogaami yaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo maddax ka tirsan ururkiisa iyo weliba  Muhaajiriinta ka garab dagaalamayey ururka. Halkaan ka eeg cabashatdii Abu Mansuur Al-amriki uu soo dhigay bartiisa Twitterka

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Madaxda Ururka Al-shabaab oo ka hadlay qoraalada lagu soo daabacayo  mareegta aljahad.com oo inta badan lagu soo daabaco warar , warbixino iyo dagaalo ay galeen ururka Al-qaacid iyo ururada Islaamiga ah ee hubaysan sidda xarakada Dalibaan ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan. Halkaan ka akhri Fatwada ama Halkaan ka eeg

Culimada ururka Al-shabaab ee soo saaray Fatwadaan sida lagu faafiyey  mareegta  aljahad. com  ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Sh Xassan Daahir Aweys

2- Sh Mukhtaar Roobow  Abu Mansuur

3-Sh Ibraahim Miicaad  Afgani

4- Sh Zubeyr Al- Muhajiri

5- Macalin Burhaan Sh Xaashi

Source,  aljahad. com
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online