Al-Shabaab oo Weerar kale ka geystay gudaha dalka Kenya
June 17, 2014 - Written by EditorLamu:-Wararka ka imaanaya deegaanka Mpeketoni ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerear ku qaadeen deegaano ku dhaw Mpeketoni waxaana weerarka ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen ilaa 8-ruux sida uu qoray wargeyska The Standard.Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Poromoko oo u dhow deegaanka Mpeketoni ee magaalada Lamu ee dalka Kenya, waana weerarkii labaad oo ay Al-Shabaab ka geysteen gudaha dalka Kenya 24saac .Taliyaha ciidanka Booliska Kenya David Kimaiyo ayaa xaqiijiyey inay jiraan meydad hor leh oo laga helay goobtii ay weerarka ku qaadeen habeen hore Al-Shabaab deegaanka Mpeketoni ee magaalada Lamu ee dalka Kenya.
Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ay weerar labaad ay ka geysteen gudaha dalka Kenya wuxuuna sheegay in ay 20 qof ay ku dileen qaar kalana ay dhaawaceen.
A/Cawale
Halgan.net