Xaflad Arday ka qalin jabisay Machadka Imaamu Shaafici ee magaalada jigjiga[Masawiro]

June 23, 2014 - Written by Editor

IMG_0798JigJiga:-Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay boqolaal ka mid ah ardayda wax’ka barata uskuulka imaamu shaafici ee magaalada jigjiga, qaar ka mid ah waalidiinta ardayda qalin jabinaysay iyo masuuliyiin ka kala yimid dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo dowladaba oo ay ugu horeeyaam

  1. Gudoomiyaha guud ee Maxkamada shareecada DDSI Mudane Muxumed Yusuf Ismaacil
  2. Madaxa dacwada ee golaha saree islaamka DDSI ahna gudoomiyaha maxkamada shareecada ee gobolka faafan
    Mudane Axmed Haadi Maxamed.
  3. Mukhtaar Axmed Cumer oo ka socday dhanka wasaarada wax’barashada DDSI.
  4. Sh.daahir ow cabdi oo ka mid ah culimada waawayn ee geeska Africa.
  5. Sh.C/qadir Siira oo ka mid ah culimada magaalada jigjiga

Ardaydan maanta ka qalinjabisay uskuulka imaamu shaafici qaybtiisa luuqada carabiga oo noqonaysa dufcadii koobaad ee ka qalin jabisa uskuulkan oo ay dhanayd tiradoodu 51 arday (31 gabdho ah iyo 20 wiilal ah) soona qaateen kooras socday mudo 8 bilood ah oo ku barteen ku hadalka luuqada carabiga iyo qaybo ka mid ah kutub ku saabsan dhinacyada kala duwan ee funuunta shareecada islaamka.

Maamulaha uskuulka imaamu shaafici isla markaana ah macalinka isgu soo saaray ardaydan mudane A/Nuur Xasan rashiid oo ka hadlay xafladan qalinjabineed ayaa wuxuu u mahad celiyay dhamaan qaybihi kala duwanaa ee ka soo qayb galay xafladan wuxuuna dhanka kale uu sheegay in ay ka go,antahay in si hagar la,aan ah uu uskuulka imaamu shaafici ooga dharjin doono baahiyaha wax’barasho ee dhanka luuqada carabiga iyo barshada shareecada islaamkaba cid alaale cidii danaynaysa.

Dhanka kale ardaydii qalin jabinaysay ayaa dhankooda soo jeediyay khudbado ku baxayay afka carabiga kagana hadlahayeen dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen muhiimada aqaantu leedahay, luuqada carabiga iyo fadligeeda iyo mahad celin ay usoo jeediyeen macalinkii indhaha u furay Mudane A/Nuur Xasan rashiid oo ay waliba abaal marino muhiim ah ay gudoonsiiyeen.

no images were found

Ugu danbayntii waxay dhamaan dadwaynihii iyo culimaa,udiinkii ka soo qayb galay u riyaaqeen sidan wanaagsan ee uu maamulaha uskuulka mudan Ahmed Nuur Xasan Rashiid isugu dhabar jabinayo soo saarista dhalinyaro ku hadlahaya luuqadii islaamka isla markaana ugu yeedhaya bulshada deegaanka dhanka dacwada. Waxaana la gudoonsiiyay ardaydii qalin jabisay shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan:

Musasada Al-Suna
Jigjiga

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online