Degmada Taleex ee gobolka Sool oo uu ka furmay shirkii Khaatumo 3

June 9, 2014 - Written by Editor

IMG_2261Taleex:-Degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa shalay ka bilowday shir balaaran oo ay halkaas ku leeyihiin beelaha deegaanada SSC , Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ergo ka kala timid dibadda iyo gudaha dalka, waxaana ergooyinkaas ay ka kooban yihiin, isimo, siyaasiyiin, culimo, aqoonyahan, haween  iyo dhalinyaro. Shirkan oo loogu magacdaray Khaatumo3, ayaa sida qorshuhu yahay waxaa laagu dhisayaa maamulka Khaatumo ee rasmiga ah, iyaddoona dadku aad ugu dheg raaricinayaan go’aamada ka soo bixi doona shirka.

Degmada Taleex oo ah deegaan Taariikhi ah, ayaa waxaa ku sugan dad aad u badan, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen dal iyo dibad, iyadoo dadka deegaanada SSC ay daneynayaan in shirku ay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah oo dan u ah dadka iyo deegaanka SSC. Siyaasiyiinta shirka ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Cali Khafiif oo raa’isul wasaare ka ahaa dowladdii TNG ee sanadkii 2000 lagu soo dhisay degmada Carta ee dalka Jabuuti.

Ugu dambeytii: shirkan ayaa go’aamada ugu muhiimsan ee laga sugaya waxaa ka mid ah in midnimo ay beesha SSC ay ku wajahdo amuuraha horyaala, iyadoona ay xusid mudan tahay in astaamaha shirka lagu garan karo ay ka mid yihiin calanka buluuga ah ee Soomaaliya, taasoo muujineysa sida dadka deegaanka SSC qeybahooda kala duwan ayan u dooneynin in dalka la kala gooyo.

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online