DFS oo Heshiis dhexdhigtay Maamuladii lixda iyo saddexda Gobol ee koofur galbeed Soomaaliya (Masawiro)

June 23, 2014 - Written by Editor

15Muqdisho:-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiish ku dhex dhigtay labadii garab ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Heshiishkan oo ay garwadeen ka ahayd Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabaha u xaaraya samaynta maamul goboleed ku-meelgaar ah oo ka kooban saddexda gobol ee Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Munaasabid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qab-galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiya Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro, Xubno ka mid ah baarlamanka, hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo bulshada, siyaasiyiin Safiirro, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa lagu saxiixay heshiishkan taariikhiga ah oo soo afjaraya khilaaf dhinaca siyaasaddaa ah oo u dhexeeyey labadii garab kala taageersanaa lixda gobol iyo saddexda goboL ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labada dhinac ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dhiso maamul mid ah oo loogu yeerayo Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, in dowladda Soomaaliya ay ka shaqayso xaqiijinta in Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ay noqdaan kuwa laga wada qaybgalo oo dadka oo dhan metela. In iyadoo beesha caalamka lala kaashanayo ay dowladda Soomaaliya taageero u fidiso dhismaha maamulka Koonfur Galbeed iyo in labada dhinac midkiiba soo magcaabo 5 xubnood oo guddi farsamo ah, iyadoo xukuumadduna ku biirinayso 3 xubnood, waxana guddigaasi uu muddo 10 cisho gudahood ah ku soo diyaarinaa habraaca dhismaha Maamulka Ku-meelgaarka ah. Iyo Weliba in labada dhinac ay 30 maalmood gudhaood ku soo dhammeeyaan hannaanka samaynta Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Heshiishkan ayaa dhinaca garabkii saddexda gobol waxaa u saxiixay Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur (Maddeer), dhinaca Lixda gobolna waxaa u saxiixay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), halka dowladda dhexe ee Soomaaliyana uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo goob-joog ahaan ay u saxiixeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Europe.

Hadalo kooban oo labada garab ee heshiishka gaaray ay madasha ka jeediyeen ayey ku balan qaadeen inay ka dhabayn doonaan hirgelinta heshiishkan, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ka codsaday inay garab istaagaan geeddi-socodka nabadda iyo maamul dhisidaddaee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Europe ayaa dhammaantood si weyn nu soo dhoweeyey heshiishkan , iyagoo balan-qaaday inay taageero ku bixinayaan hirgelinta heshiishkan, waxana ay sidoo kale digniin u direen cid kasta oo isku dayda inay caraqaladayso heshiishkan iyo geeddi-socodka nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Ugu danbeynti, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal ka jeediyey munaasabadda lagu saxiixay heshiishkan waxana uu ammaanay dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo bogaadiyey dhinacyada heshiishka gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlayey waxa uu yiri:

“Maanta waa maalin weyn oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waa maalin taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.

“ Dhammaan Xubnaha dowladdu waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

no images were found

“Hawshan waa bilow weli ma dhammaan markaa waa in laga wada shaqeeyaa hirgelinta heshiishkan.Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa inay na garab istaagaan xilligan aan ku jirno dadaalka aan dib ugu yagleelayno dhismaha dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya”.

—DHAMAAD—
Abdirashid Muse Said
Press Officer, Office of the PM
Prime Minister’s Media Office

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online