Ururka Dhaalibaan oo soo maanta bandhigtay Sarkaal Mareykan ah oo ay ku badasheen 5 sarkaal (Daawo)
June 5, 2014 - Written by EditorAfgaanistaan:-Ururka dhaalibaan ayaa waxaa ay soo bandhigeen sarkaal ka tirsan ciidanka Mareykan ah oo ay dagaal ku qabsadeen waxaana ay dhaafsadeen 5 ka mid ah madaxda Ururka Dhaalibaan oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo-Bay.
Sarkaal ay dhaafsadeen Ururka dhaalibaan saraakiil iyo culumo u xirnaa mareykanka ayaa waxaa loo soo labisay dharka Islaamka waxaana laga xiiray madaxa waxaana ilaalo culus ka hayey ciidamo ka tirsan Ururka Dhaalibaan
Ururka Dhaalibaan ayaa sanado badan waxaa uu ka talinayey dalka Afgaanistaan wuxuuna ku dhaqayey shareecada islaamka waxaana ka hoos baxay oo baycadii ay la galeen hogaanka Dhaalibaan buriyey Ururka Al-Qaacida ka dib markii ay qaraxyo ka qeystay gudaha dalka Mareykanka waxaanna ay taas sababatay in la dumiyo dowladii Islaamka ahayd ee ka dhisneyd dalka Afgaanistaan waxaana duqeyn lagu dilay muslimiin aad u tiro badan halka qaar kale lagu xiray xabsiga Guantanamo-Bay.
Sidoo kale waxaa dalkii Afgaanistaan qabsaday ciidamo huwan ah oo meel walba isaga yimid waxaana ay ku fashilmeen ujeedadii ay u yimaadeen dalka Afgaanistaan ka dib markii ay dhaalibaan dagaal adag la gashay .Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa dagaalo joogta ah ku haya ciidamada huwanta waxaana ay taageero ka heystaan shacabka dalka Afgaanistaan.
Hoos ka daawo Mujaahidiinta Dhaalibaan oo soo bandhigay Sarkaal ay dhaafsadeen 5 ka tirsan Hogaankii Ururka Dhaalibaan.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net