Dhalinyarada reer Waaciye oo looga digay khatarta Tahriibta.[Masawiro]

June 28, 2014 - Written by Editor

8Waaciye:-Degmada Waaciye waxaa lagu qabtay dawro cinwaankeedu yahay “Khatarta tahriibta” oo halku dhageedu ahaa “ Naftiina haku tuurina halaag  “ waxaana iska kaashaday Gudiga Dacwada  iyo Mu,asasada Alminhaaj, waxaana maal galiyay Hotel Jubba- Boosaaso. Kulankan waxaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee degmada Waaciye waxaana kasoo qayb galay dhalinyaro badan oo wiilal iyo gabdhaba leh.

Ugu horayntii waxaa ka hadlay kulanka Ustaad Cabdiraxman Sahal Yusuf oo si qota dheer u qaadaa dhigay tahriibta khatarta ay leedahay  iyo asbaabaha keenaya hayaankan sharci darida ah, wuxuu soo bandhigay sawiro naxdi leh oo kiciyay dareenka barbaarta degmada. Sidoo kale waxaa ka hadlay Dawrada Ustaad Maxamed Faahiye Ciise oo si faah faahsan uga hadlay diinta islaamka waxa ay ka qabto  Tahriibta , wuxuuna sheegay tahriibta  in ay  khatar ku tahay Nafta , maalka, diinta, caqliga, iyo shafarta qofka  u hayaamaya sida indho la,aanta ah

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Sh. Xuseen Macalin Yusuf  oo ah Daaci dadka reer  waaciye bara kutubta  shareecada islaamka wuxuuna soo bandhigay qaababka looga hortagi karo khatarta tahriibka. Qaasim Barre xassan oo ka mid ah qurba joogta  kasoo jeeda Degmada Waaciye  ayaa talooyin muhiim ah u soo jeediyay dhalinyarada, isagoo  soo bandhigay qaababka loo aadi karo qurbaha iyadoon la aadin saxaraha liibiya iyo doomaha geerida wuxuuna tilmaamay Yurub iyo USA in fursadihii hore ee laga heli jiray ayna jirin hadda

Duqa Degmada  Waaciye Mudane.C/salaan Bashiir C/salaan ayaa si diiran u soo dhaweeyay  baraarujinta  loo sameeyay barbaarta Degmada  Waaciye. Waxaa kale oo madasha ka hadlay Eng:khaliif Xaaji Ismaaciil soona bandhigay tusaalooyin naxdin leh oo la xiriira  dad maalkoodii  iyo naftoodiiba ku waayay tahriibta Liibiya, una gacan galay maafiyada ka ganacsanaya barbaarta soomaaliyeed. Reer waaciye ayaa aad u soo dhaweeyay wacyigalinta loo sameeyay barbaarta Degmadooda.  Waxaa xusid mudan in aafada hayaanka sharci darada ah in ay ku reebtay saamayn xun dhalin yaro badan oo ku nool  Dawladd goboleedka Puntland iyo waliba qaybaha kale ee Soomaaliya.

no images were found

Mussadda Minhaaj
Waaciya ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online