Dowladda Jabuuti oo soo bandhigtay ciddii fulisay Qaraxii ka dhacay Djibouti.[Dhagayso]

June 1, 2014 - Written by Editor

jabuutiDjibouti :-Dowladda Djibouti ayaa soo gabagabaysay dambi-baadhistii la xiriirtay qaraxii ka dhacay Djibouti 24kii May. Xeer ilaaliyaha Guud ee Djibouti ayaa soo bandhigay cidda ay ahaayeen labada qof ee qaraxa fulisay iyo halka ay ka yimaadeen. Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Sheraton ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Djibouti, Maki Cumar Cabdiqaadir, iyo madaxa dambi-badhista ee Booliska Djibouti, Col Cumar Xasan, waxay faahfahin uga bixiyeen natiijada dambi-baadhista qaraxa oo la soo gababgaeeyay.

Xeer ilaaliyaha Djibouti ayaa sheegay in ay u caddaatay in labada qof ee qaraxa fuliyay ay kala ahaayeen Muuse Rooble Hiraab, iyo Hodan Maxamed Ciise oo soo galay Djibouti  22kii May,  Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Hargaysa iyaga oo ka soo gudbay barta kantroolka ee xadka ee Lowyacaddo.

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in soo galitaankooda uu u fududeeyay askari ka tirsan booliska Djibouti oo lagu magacaabo Sulaymaan Axmed Waaberi, kaasi oo imika xabsiga ku jira.

Faahfahinta arrintaasi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online