Dowladda Puntland iyo Saraakiil hay’adda ICAO oo ku shiray garoonka Boosaaso.[Masawiro]

June 4, 2014 - Written by Editor

IMG_4525Boosaaso:-Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa maanta waxaa ay kulan gaar ah kula yeesheen garoonka diyaaradha Bender qaasim ee magaalada Bosaaso wafdi ka socda Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah (I C A O).Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid wada tashi oo u dhexeeyey madaxda dowladda Puntland iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan maamulka dhinac hawada dalka Soomaaliya waxaan labada dhinac ay ka wada doodeen qaabkii maamulka hawada Soomaaliya dib loogu wareejin lahaa iyo shuruucdii loo samayn lahaa.

Madaxa Hay’adda ICAO Mr. Javier Lopez oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradha Bender qaasim ee magaalada Bosaaso ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan wada tashi ay la samaymayaam Madaxda Soomaalida iyo qiimayn ku saabsan qaabka ugu haboon ee Soomaaliya dib loogu wareejin ahaa maamulka Hawada dalkeeda.

Dhinac kale Wasiirka duulista hawada iyo garoomada ee dowladda Puntland Xassan Xaaji Siciid (Xassan Cadde) oo isagana la hadlay saxaafadda ayaa dhinaciisa sheegay in wafdiga Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Gaadiidka Diyaaradaha Rayidka ah (I C A O) ay ka wada hadleen siddii si siman oo nidaam leh loogu wada maamuli lahaa hawada dalka Soomaaliya.

Madaxda Dowladda faderaalka , Puntland iyo Somaliland ayaa dhamaantood isku khilaafsan qaabka loogu wareejinayo hawada dalka Soomaaliya waxaan qolo walba ay doonaysaa in ay qayb ka ahaato nidaamkaas walow weli muran uu taagan yahay.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online