Dowradii dhalinyarada eeMasjidka Alhudaa ee Helsinki oo la soo gabagabeeyay (Masawiro)

June 16, 2014 - Written by Editor

2.6Finland:-Waxaa Allaah mahadiis Shalay oo ay taariikhdu ahayd 15.6.2014kii lagu soo gabagabeeyay Masjidka Alhudaa ee Helsinki dowradii iyo mu’tamarkii  4aad ee Horseedka Dhalinyarada oo ah kulan ay ku bahoobeen dhalinyarada Masjidka ee gabdho iyo wiilalba.

Dowradaas waxaa ka qayb qaatay arday tiradoodu gaarayso 160 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba.. Waxaana sannadkan ka soo qaybgalay dowrada culimada kala ah Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil, Sh Dr cali Maxamed Saalax iyo Sh Cabdaraxmaan Abyad.. Dhinaca Finland waxaa dowrada ka qaybqaatay Sh Cabdiwali Sh Maxamed Xaaji Yuusuf oo ah imaamka masjidka isla markaana ahaa iskudubaradidaha iyo mushrifka dowrada ,iyo sidoo kale qaar ka mid ah culimada masjidka

Waxaa xafladda furay oo ugu horayn ka hadlay sh Abdirazaak Sugulle Maxamed oo warbixin kooban ka bixiyay qaabkii dowradu u dhacday, inta culimo ka qaybqaadatay, duruusihii baxay iyo ardada imtixaanka u fariisatay. Intaa kadib waxaa kalmad xusuusin ah soo jeediyay Sh Cabdiweli oo xusuusiyay dhalinta in cilmiga barasshadiisa halkaasi laga sii wado iyo sidii ay fasaxa uga faa’iidaysan lahaayeen.

Maxamed Dayib oo ah gudoomiyaha Horseedka dhalinyarada ayaa isaguna ka warbixiyay waxqabadka Horseedka iyo sida ay dowradan u soo qabanqaabiyeen.. Waxaa isna kalmado mahadcelin ah soo jeediyay gudoomiayaha maamulka masjidka Aadan Cabdi Sheekh.. Waxaa kadib la guda galay qaybinta shahaadada ardayda kaalimaha sare galay, waxaana bixiyay Sh Axmed nuur iyo Maxamed Dayib.

no images were found

Ardaydu waxay soo bandhigeen filim gaaban oo ka hadlaya dowrada iyo sidii ay uga faa’iidaysteen cilmi ahaan duruusihii halkaasi ka baxay..

Hoos ka daawo filim gaaban oo ka warbixinaya qaabkii dowradu u dhacday

Masjidka Al-Huda
Finland

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online