Dowradii Xagaaga oo ka bilaabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland[Masawiro]
June 23, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maantay ka bilaabatay hoolka dugsiga sare ee Al-waaxa ee magaalada Garowe dowradii xagaaga loo qaban jiray ardayda waxka barata dugsiyada sare iyo macaahidda ku yaal caasimada Puntland ee Garoowe, Dowradaan oo ah tii 8aad oo ay qabato Mu,asasada Al minhaaj faraceeda gobolka Nugaal, dowradaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay ardayda iyo Mu,asasadda dadaal ugu jireen diyaar garoow geeda.
Furitaanka Dowrada ayaa waxaa maantay ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland iyo culima’aw diin caan ah iyo weliba maamulka Mu,asasada Al-minhaaj waxaana ugu horayntiiba lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gudiga fulinta alminhaaj Garowe Sh.Mukhtaar Axmed Faarax.
Gudoomiyaha ayaa qeexay dowrada iyo danta laga lee yahay iyo waliba in tay socon doonto waxaana gudoomiye Mukhtaar sheegay mudada ay socon doon to in ay dhan tahay 9 bari wuxuuna sidoo kale ku sheegay danta laga leeyahay in ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta jiilka mustaqbalka . Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Qani Xaashi Cali waxana gudoomiyuhu ka codsanday dhalinyarada in ay noqdaan kuwa ka faa iidaysta jaaniska ay heleen maantay oo ah mid qaali ah isagoo
ugu danbayn tii daahfuray dowrada oo ah Tii 8aad oo noo ceeda ah.
Waxaa isna goobta kahadlay Sh Axmed Cabdi samad oo ku hadlayay magaca culimada waxaana sheekhu dardaaran qiimo badan u soo jeedshay ardayda waxaana uu xasuusiyay cabsida allah .Waxaa hadalka isna qaatay wasiir kii hore ee Maamul Wanaaga Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaana uu dhalin yarada kala dardaarmay hooga tahriibta.
no images were found
Mu’ssat Minhaaj
Garowe,Somalia