Dowro Diiniya oo loo qabanayo Ardeyda Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo(Masawiro)

June 8, 2014 - Written by Editor

DSC01967Gaalkacyo:-09/09/1435H kuna began 07/06/2014, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka furmey Dowro ay soo qaban qaabisiyey qabashadeeda & fulinteedaba Mu’asasada Dacwada & Tacliinta ee SAFA looguna talo galey ardeyda Dusgiyada Sare ee Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Dhanka Koonfureed.

Dowradu waxey soconeysaa inta u dhaxeysa 9 ilaa 14 Bisha Shacbaan ee Sanadka 1435H, Intey socotana ardeydu waxey ku qaadanayaan duruus kale duwan ee ku aadan horumarinta Tacliinta.

Ugu horeyn xaflada furitaanka ee Dowrada waxaa ka Hadley Agaasimaha Iskuulka A’Shacab ee Magaalada Gaalkacyo, Ustaad C/raxmaan Cumar Sh, Nuur, kuna soo dhaweeyay Culimada, Ardeyda & Marti Sharafka kaleba Furitaanka Dowrada.

Waxaa xigey oo hadalka qaatey Wakiilka Dacwada ee Gobolka Mudug Sh. Saciid Maxamed Cilmi oo sheegay Gobol ahaan iney Dowrada soo dhaweynayaan qeybna ka qaadayaan, ayna muhiim u tahey ardeyda & waalidiinta Gobolka iney helaan Dowrooyin noocan oo kale, qeybna ka qaadaneysa hormarka waxbarasho ee dhalaanka Gobolka Mudug.

Intaa ka dib waxaa isna hadalka qaatey Mas’uulka Xiriirka guud ee Mu’asasada Safa ee Dacwada & Tcliinta, Sh. C/casiis Cali Xasan oo ku booriyey ka qeyb galaasha Dowrada iney ka faa’iideystaan, halka ay joogaan sare uga qaadaan Waxbarashooda, sida hal ku dhiga Dowrada ka muuqatana Waxbarasho ay tahey  furaha guusha & hormarka.
Ugu danbeyn Xaflada furitaanka Dowrada waxaa ka Hadley Sh. Maxamuud Sh Axmed –  Abu Sheyba oo dhankiisa taageero & bogaadinba u muujiyey Dowrada, una rajeeyay ardeyda qeybta ka ah iney ka faa’iideystaan, waxna ay ka badesho tayadooda Waxbarasho xiliga soo aadan.

no images were found

Ka dib furitaanka Xaflada waxaa si toosa u bilowday Dowrada oo la fuliyo Insha Allah, ardey badan iney faa’iideysataan intey socoto.

Mu’asasada Dacwada & Tacliinta ee SAFA
Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online