Ergeyga Gaarka ah QM oo soo dhaweeyey Maamulka Koonfur galbeed

June 23, 2014 - Written by Editor

nicholasErgeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska maanta la gaaray ee ah in maamul goboleed cusub oo ku meelgaar ah laga dhiso koonfur galbeed Soomaaliya.

Iyadoo ah garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, taageerayaasha laba maamul oo kala duwan ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho waxayna isku afgarteen inay sameystaan maamul cusub oo ah Maamulka Ku Meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiska lagu dhisayo maamul cusub oo ah Maamulka Ku Meelgaarrka ee Koonfur Galbeed iyadoo la raacayo Dastuurka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan dhinacyada heshiiskan wadagalay sida ay uga go’antahay inay helaan xal iyadoo loo marayo wadahadal nabad ah iyo wadaxaajood dulqaad leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka ayna xaqiijiyaan in si degdeg ah loo dhiso maamul loo wada dhanyahay.

Dowladda Federaalka waa inay sidoo kale sii waddo wadatashiga ay la leedahay odayaasha bulshada iyo dadka degaanka ee ay arrintu khuseyso si loo xaqiijiyo in arrimaha weli harsan wax laga qabto loona qabto si loo wada dhanyahay oo dibuheshiisiin ah.

“Heshiiska Maanta waa tallaabi muhim ah ee hore loo qaaday horumarka Soomaaliya ay ku gaarayso nidaamka federaalka. Waxaan dhammaan dhinacyada ugu hambalyaynayaa heshiiska waxaana ku hanweynahay inaan la shaqeeyo maamulka cusub iyadoo la raacayo Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.

Heshiiskan wuxuu sidoo kale waddada u furi doonaa amaanka oo hagaaga iyo olole dagaal oo waxtar leh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaramad Midoobay, oo goobjoog ka ahayd heshiiskii manta, waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada nabadaynta iyo maamul dhisidda ay waddo Dowladda Federaalka,”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

www.unsom.unmissions.org

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online