Faah-faahin Dagaal ka dhacay Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan

June 26, 2014 - Written by Editor

12Buulo-burte:-Wararka ka imaanaya degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmaray ciidamada DFS kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab waxaana uu iska horimaadku bilaawday ka dib markii askar ka tirsan Al-Shabaab ay weerartay Hoteelka Camaloow Degmada Buulo-burte .

Iska horimaadka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 qof oo ay labo ka mid ah yihiin ciidamada AMISOM ee dalka Jabuuti .Guddoomiyaha degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan Axmed Cabdullaahi waaweyne oo la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in labo nin oo ka tirsan Al-shabaab ay saaka weerar ku qaadeen Hoteelka Camaloow Buulo-burde iyaga oo rabay in ay is qarxiyaan balse la toogtay.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan Axmed Cabdullaahi ayaa xaqiijiyey in laba ka mid ah ciidanka Jabuuti la dilay halka Al-shabaab ay ka dileen laba askari.Xaalada degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa saaka degan.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay weeerar culus ku qaadeen Hoteelka Camaloow ee degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayna weerarka ku dileen saraakiil Jabuutiyaan ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online