Faahfaahin Sheekh saaka lagu dilay xaafada Likoni ee magaalada Mombaza

June 10, 2014 - Written by Editor

mohamed-idrisMombaza:-Waxaa saaka lagu dilay magaalada Mombaza ee dalka Kenya Allaha u naxariistee Sh.Maxamed Idiriis oo ka mid ahaa culumada dalka Kenya ee ku dhaqan magaalada Mombaza waxaana dilka geystay koox hubeysan oo aan la garaneyn .Sheekh Maxamed Idris ayaa ahaa madaxa golaha imaamyada iyo ducaadda muslimiinta ee dalka Kenya waxaana dhowr mar hanjabaadyo u soo jeediyey rag aan la aqoon heybtooda sidda ay warbaahinta dalka Kenya ka sheegeen qaraabada Sheekha.

Sheekh Maxamed Idriis ayaa waxaa uu ahaa Sheekh ka soo Baxay jaamaca Islaamiya ee Madiina waxaana saaka lagu dilay xaafadda Likoni ee magaalada Mombasa, xilli uu u socday salaadda subax waxaana goobta lagu dilay saacado ka dib soo gaaray ciidamada amaanka ee magaalada Mombaza.

Henry Ondieki oo ah Madaxa waaxda dambi baarista magaalada Mombasa ayaa sheegay in dilka loo geystay Sheekh Maxamed Idriis uu yahay mid qorsheysan ayna fuliyeen rag aad u yaqaan oo xagjir ah sida uu hadalka u dhigay . Dadweyne aad u tiro badan ayaa soo buuxdhaafiyey Isbitaalka Pandya Memorial ee magaalada Mombasa oo uu yaalo Meydka Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Idriis.

Sheekha ayaa horey uga badbaaday qorshe lagu dili lahaa ka dib markii dhalinyaro taageersan Al-qaacida ay soo weeerareen Masjidkii uu wax ka akhrinayey oo la yiraahdo Sakina .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online