Golaha wasiirada DFS oo taageeray heshiiskii maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhacay Muqdisho

June 24, 2014 - Written by Editor

golaha_wasiiradaMuqdisho:-Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho caawa ayaa soo dhaweeyey heshiiskii shalay Muqdisho lagu gaaray ee lagu taageeray dhisidda maamulka KMG ah ee saddex  gobolka Koonfur galbeed Soomaaliya. Shirka Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee caawa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana looga hadlay heshiiskii Muqdisho shalay lagu kala saxiixday ee lagu mideeyey dhinacyadii isku hayey maamul u sameynta Lixda  iyo seddexda gobolka ee Koonfur galbeed, golaha wasiirrada ayaa ayiday heshiiskaasi, waxaana la isku raacay in la dhiso guddi farsamo oo dadajiya dhisidda maamulka seddexda gobo lee Shabeellada Hoose, Baay iyo Bakool.

Shirka Golaha Wasiirrada markii uu soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka faah-faahin ka siiyey Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali, waxa uu sheegay in Xukuumadda ay ayidday heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee lagu taageeray dhisidda maamulka KMG ah ee saddexda  gobo lee Koonfur galbeed Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu ka turjumayey Midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Khaalid Cumar Cali, ayaa yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey ka shaqeyneysaa sidii si cadaalad ah ay wax ugu wada qeybsan lahaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed ee degan saddexda gobol, waxa uu intaa sii raaciyey in u jeedadu tahay sidii loo gaari lahaa hammi dib u heshiinneed oo wadajir ah.

Sidoo kale Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in lagama-maarmaan ay tahay in loo hoggaansamo heshiiskii dhinacyadii is hayey lagu xaliyey ee Muqdishio ka dhacay 23-kii Bishan June, “waxaan ugu baaqayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii ay u wadaagi lahaayeen kheyraadkan tirada badan ee dalkeenna uu leeyahay” ayuu intaasi sii raaciyey.

Shirka Golaha wasiirrada Soomaaliya ee caawa Muqdisho ka dhacay, waxa qeybtiisa dambe looga hadlay arrimaha ammaanka iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilinta ammaanka iyo Istaraatiijiyadda amniga ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ee magaalada Muqdisho iyo gobollada gacanta dowladda ku jira.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online