Golaha Wasiirada Puntland oo ku shiray xarunta Madaxtooyada ee Garoowe[Masawiro]
June 19, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa shirkooda caadiga ahaa uu ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, waxana shir guddoominayay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay. Kullanka ayaa warbixino looga dhagaystay Wasiirada qaybtood,sidoo kalana waxaa si guud looga hadlay sugida amaanka iyo siyaasada guud ee dowlada Puntland.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay Xeerka Hay’adda wadooyinka Puntland PHA (Puntland Highway Authority) kaasi oo qeexaya in Hay’addaasi la soo dagi karto gaadiid, qalab dhisme iyo qaabka loo bixinayo qandaraasyada kuwa Puntland iyo kuwa ajaanibta. Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ayaa waxaa la soo hordhigay siyaasada baahinta maamulka ee Dowalda Puntland.
Waxaana ka mid ahaa siyaasada la soo bandhigay qaabka doorashada golayaasha deegaanka, awoodaha nidaam ee loogu talagalay qorshaynta deegaanka, fidinta maamulka iyo bixinta adeegyada.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-Gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanke
ee Madaxtooyada Puntland