Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Xildhibaanno Hooygiisa Booqasho Sharafeed ku Booqday Madaxweynihii Hore Ee Dalka Sh.Shariif.[Masawiro]
June 6, 2014 - Written by EditorKampala:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyaan XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo socdaal shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho sharafeed ku booqday hooyga uu ka degenyahay magaalada Kampala Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo ka hadlay markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh.Axmed ku soo dhaweeyey gurigiisa ayaa yiri runtii waxaa sharaf iyo farxad inoo ah inaan maanta gurigiisa kusoo booqanay Madaxweyne Sh.Shariif Madaxweynihii hore ee Dalka oo Soomaaliya soo gaarsiiyey meesha aan ka qaba nay, inaan soo booqano aniga iyo Xildhibaannadaba farxad ayey noo tahay, waxaanse Alle ka rajeynaynaa in anagana uusan howsha nagu ceebeyn oo halka aynu hiigsaneyno gaarsiino.
Madaxweynihii hore ee Dalka Sh.Shariif Sh.Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada ay ugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada waxaana uu xusay inuu horey u arki jirey masuul marka uu xilka ka dago la eedeeyo ama la af lagaadeeyo laakiinse ay tahay dhaqan cusub in Madax xil heysaa ay soo booqdaan masuul xukunka uga horeeyey taasina uu aad u bogaadinayo.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Dalka Sh.Shariif Sheekh Axmed ayaa uga tacsiyadeeyey Xildhibaannada Baarlamaanka weerarkii 24kii-May-2014 ay argigixisada Al-Shabaab kusoo qaadeen xarunta Baarlamaanka iyo ammaantii ay mudnaayeen Ciidammadii geesiyaasha ahaa ee weerarkaasi fashiliyey,sidoo kalena waxa uu aad u bogaadiyey qaabka ay u shaqeeyaan XIldhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya isagoo si gaar ahna u xusay guddoonka Baarlamaanka.
Xiliyada adag waxey leeyihiin duruufahooda gaarka ah oo u baahan in howl laga qabto, waa Alle mahadiis in maanta ay noo jirto Dowlad rasmi ah oo shaqeysa, si gaar ah waxaan rabaa inaan u bogaadiyo howlaha Baarlamaanka oo aynu ognahay daruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan iyo shaqooyinka adag ee ay qabtaan,inta adgeysiga la badiyana guushu weey badaneysaa,waxaana la rabaa in umaddu ay ogaato danteedu iney ku jirto Dowladnimoayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Madaxweynihii hore ee dalka Sh.Shariif Sheekh Axmed.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Kampala u yimid casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka Uganda waxaana uu ka mid ahaa gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ee iyagu lagu marti qaaday munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Uganda, halka Xildhibaannada wehliyey iyaguna ay dhammaantood xubno ka yihiin Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka waxaana Kampala uga socda siminaar aqoon kororsi ah.
no images were found
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo
Xiriirka Dadweynaha ee
Gudoonka Baarlamaanka