Gudoomiyaha Degmada Xudur oo ka hadlay dagaalo ka dhacay Bakool

June 7, 2014 - Written by Editor

baydhaboBakool:-Gudoomiyaha Degmada Xudur ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobalka Bakool ka dib dagaalo culus oo ka dhacay gobalka Bakool kuwaas oo u dhexeeya ciidanka DFS kuwa AMISOM iyo kooxda Al Shabaab.

Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Xudur ee DFS ayaa wuxuu ku faanay in ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanada kala ah Garasweyne iyo Mooro-gaabey, oo ku yaala duleedka Xudur  oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Mar wax laga weydiiyey khaasaraha gaaray labada dhinac ayaa waxaa uu sheegay in ay khasaaro badan u geysteen ciidamada Al-Shabaab waxaana uu ku goodiyey in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa inta laga saarayo deegannada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay guulahan uu sheeganayo GuddoomiyahaDegmada Xudur ee DFS .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online