Hay,ada SAAD oo deeqo gaarsiisay isbitaalka Karamardha ee Jigjiga (Masawiro)
June 23, 2014 - Written by EditorJigjiga:-Hay,ada SAAD ayaa deeq isugu jirta noocyada kala duwan ee daawooyinka iyo qaybo ka mid ah qalabka caafimaadka ee bukaanka lagu baadho soo gaadhsiisay isbitaalka karamardha ee magaalada jigjiga.
Wareejintii deeqdan ayaa waxaa ka soo qayb galay maareeyaha hay,ada SAAD ee xafiiska jigjiga DR. Mohamed ayanle iyo masuuliyiinta isbitaalka karamardha.
Maareeyah hay,ada SAAD Mudane Mohamed ayanle oo la hadlay warbaahinta dowlad deegaanka somalida itoobiya ESTV ayaa sheegay in uu manta ku faraxsanyahay deeqdan ay hay,adu soo gaadhsiisay isbitaalka is la markaana ay balan qaadayaan in dadaalka sii wadi doonto hay,adu mar walbana lagarab taagnaan doonto wixii karaankeeda ah guud ahaan isbitaalada deegaanka.
no images were found
Deeqdan ay hay,adu soo gaadhsiisay isbitaalka ayaa ahayd mid ay hay,adu kaga jawaabayso codsi hada ka hor kaga yimid dhanka isbitaalka kaa soo ahaa in uu isbitaalku u baahanyahaya qalabkan iyo daawooyinkan ay hada hay,adu soo gaadhsiisay.
Hay,ada SAAD
Halgan.net