Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho[Masawiro]

June 28, 2014 - Written by Editor

17Qardho:-Waxaa maanta magaalada Qardho  xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland lagu soo dhaweeyey wefdi uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaam Cabdulle Islaan Faarax waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Maamulka Gobolka,kan degmada Isimadda,Nabadoonada,iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho. Wefdigaani oo ka soo anbabaxay Gobolka Mudug ayaa ujeedka ay Qardho u soo gaareeyn waxa ay aheyd in ay Booqasho ugu yimaadaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo 25kii Bishii May 2014 loo doortay Boqorka Guud ee Beelaha Daarood, waxaana xiligaasi safar ku maqnaa islan Bashiir Islaan Cabdulle waxaana wefdigaani loogu hortagay Meel kabaxsan Magaalada Qardho oo 25-km u jirto dhanka koonfureed ee Magaalada Qardho,waxaana wefdigaani loo soo galbiyey Guriga loogu talagalay in laga dajiyo Magaalada Qardho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka mahadceliyey Booqashada ay ugu yimaadeen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo wefdiga oo hogaaminaayo,waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Imaatanka Wefdigaan

” Aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay Booqashada Sharaftabadan ay inoogu yimaadeen wefdig oo hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ay ka midyihiin Fiqi Bashiir Cuqaasha, waxgaradka, Nabadoonada, aqoonyahanka, aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay dhammaantood iyo cuqaasha soo dhaweysay waxgaradka halkaan jooga, Booqashadaan waa Booqasho taariikhi ah aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay Islaanka oo runtii qiimo weyn inoogu fadhiya,imaanshihiisa iyo in uu arko deegaanada,waqtigii caleema saarka wadanka dibadda ugu maqnaa hadana halkaan igu soo booqday aad iyo aad ayaa ugu mahadcelinaya isaga waxgaradka kale ee la socda….’‘…Sidaa waxaa Yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax  ayaa ka mahadceliyey Sida loogu soo dhaweeyey Magaalada Qardho waxa uu ka hadlay Ujeeda ay u soo gaareen Magaalada Qardho.”Marka ugu horeyso Boqor Burhaan Boqor Muuse Dhammaan Cuqaasha, waxgaradka Deegaanka Mas’uuliyiinta Maamulka waan salaameynaa,waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa soo dhaweyntii iyo qaabilaadii wanaagsaneyd ee sharafta leheyd ee aan kala kulannay imaatankayadii aanu magaalada Nimi,Ujeedada aan u nidid  waxa ay aheyd booqasho maadaama xiligii caleema saarka boqor ay ragga qaarkiis dalka dibaadda ku maqnaayeen ayna suuroowi-weyday in aan soo haleerno,in aan soo booqano oo aan soo salaano Dareenkeena iyo Niyadeena in aan u muujino Ujeedada safarkeena sidaas ayuu ahaa……..”

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Ugu sareeyo Puntland,waxa uuna Booqasho Rasmi ah ugu yimid Boqorka Guud ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxaana lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Islaanka Boqorka iyo Nabadoonada Gobolka karkaar inta uu joogo magaalada Qardho.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Puntland-Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online