Khudbadii Jimacaha ee Masjidka Al-Hidaaya Sh Dr.Maxamed Xasan (Dhageyso)
June 6, 2014 - Written by EditorNairobi:-Waxaan idiin soo gudbineynaa Khudbadii Jimacaha ee Masjidka Al-Hidaaya waxaa khudbadii maanta jeediyey Sh.Dr.Maxamed Xasan wuxuuna sheekhu ka hadlay ahmiyada ay leedahay sulxiga iyo in Muslimiinta dhexdooda la heshiisiiyo hadii ay is khilaafaan
Khudbada Sheekh Dr.Maxamed Xasan ayaa waxaa ay ku soo aaday xili dalalka Islaamka qaarkood ay ka socdaan dsagaalo fitno ah oo u dhexeeya Muslimiinta waxaana uu sheekhu si gaar ah uga hadlay qabiilada walaalaha ah ee isku leynaya gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya gaar ahaan Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer.
Sheekh Dr.Maxamed Xasan ayaa ugu baaqay waxgaradka ,culumada iyo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaalada ka dhexaloosan qabiilada oodwadaaga ah wuxuuna iyagana ugu baaqay in ay alle ka baqaan oo ay joojiyaan dagfaalada fitanka ah iyo daadinta dhiiga Muslinka.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimacah ee Masjidka Al-Hidaaya Sheekh Dr.Maxamed Xasan
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/zalaemnxt1/islaaxu_daatil_bayn.mp3]Halgan.net