Kulan looga hadlayey dhibaatada tahriibta oo lagu qabtay Kampala Uganda (Masawiro)

June 15, 2014 - Written by Editor

DSC00320Kampala:-Markazka Al- tawxiid oo  ayaa waxaa uu dardargaliya habsin usocodka dacwada wadankan Ugandha ayaa maanta ku qabtay kulan dhowr arimood khuseeyay kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee masjidka qaddaafi ee magaaladatan Kampala.

Kulankaan ayaa waxaa soo agaasimay ardayda ku bahowday magaca ( Al ahli ) ayaa waxaa la qaban qaabiyey  Markazka tawxiid –kampala kulankan oo dhinacyo badan taabanayyay ayaa loogaga hadlay sidii loo hakin lahaa ardayda iyo dhalinta soomaaliyeed oo sida xawliga ah ugu sii qulqulaysa tahriibka iyagoo sii jiidhaya badaha iyo cariga lamadagaanka ahi.
Dhalinta soomaaliyeed oo sanadkan si aan kala joogsi lahayn u soo maraysay Kampala iyagoo raxan raxan u soconayay, dhalintan oo horay u sii duufsata qaar ka mid ah ardayda waxkabarata jaamacadaha wadankan Uganda iyagoo ku abuura cudurka dilaaga ah ee ( buufiska ) kaa oo galaafsada boqolaal arday soomaaliyeed ee wadankan waxkabarta.

Si loojoojiyo arinkaa ayaa waxaa hadala kala duwan halkaa ka jeediyay madaxda markazka tawxiid oo uu horkacayay Sheekh Muxamed Sh Cabduwali imaamka masjidka tawxiid ahna madaxa Markazka  sidoo kale Sheekh Axmed xabiib (Gees cade ) oo isna halkaa shahaadooyin ku gudoonsiiyay qaarka tirsan ardayda jaamacadaha ee al ahli.

Barnaamijkan intuu soconayay ayaa waxaa si wadajir ah ugaga qeebqaatay odayaasha ganacsatada dhalinyarada haweenka iyo dhamaan ururada bulshada Iyadoo halkaa lagu soo bandhigay borojecter kaa oo ay igaaga muuqanayyeen dhalin tahriibayaal ah kuwaasoo lagala baxay xibnaha muhiimka u ah aadamaha sida kelyaha beerka wadnaha iyo sambabaha iyagoo halkaa lagu soo bandhigayay kaadhadhaka aqoonsigooda iyagoo meed ah qaadhkoodna la,aasayay ciidana layskaga rogayay taa oo  ahayd wax laganaxo kuna beertay cabsi cidwalboo ku taamaysay in ay soo tijaabiso nasiibkeeda nafsaduna qaadanwayday marnaba.

no images were found

Gabagabadii  waxaa halkaa lagu cayyimay gudoomiye cusub ee ay yeelandoonaan ururka ( al ahli ) kampala
Ugu dambeentii waxaa soo gunaanuday barnaamijka Sheekh  Ibraahiim xirsi Galow isagoo baaq u diray dhamaan waalidiinta caruurtooda usoo dirsanayya jaamacadaha  in ay ka feejignaadaan duufaanta labakacleynaysa ee tahriibka in ay si lamafilaan ah ay u habsato ubadkooda isagoo ugu baaqay waalidiinta in ay lasocdaan xaaladaha lasoo darista ubadkooda si joogta ah.

Abdisamed Hassan Hersi
Kampala
Ugandha

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online