Kulan u dhexeeya Maamulka iyo Ardayda Jaaamada Nugaal University oo ka dhacay Laascaanood[Masawiro]

June 24, 2014 - Written by Editor

IMG_8614Waxaa caawa ka dhacay xarunta Jaaamada Nugaal University ee magaalada Laascaanood Kulan u dhexeeya  Maamulka iyo Ardayda ka qalinjabisay Jaamacada Nugaal University sanadkaan iyo weliba sanadkii hore. Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa Bandhig iyo Xog waran ay Jaamacaddu uga warantey Ardayda inay u heyso Diyaarinta Shahaadada Heerka Sare ee Master Degree ah oo ay ardaydooda Kuwa Jooga Somalia gaar ahaan Gobolka Sool ay siin doonto Fursad Qaali ah oo ay ku Diyaariyaan Ardaydu iyagoo Jooga Magaaladooda Shaahada Darajada Labad ee Master Degree.

Jaamcaddu waxey soo Diyaarisey Saddex Kulliydoood (Sharrea Islamamic Business Administration and Computer Science) oo ay Maalmaha Soo Socda Diiwaan Galinteedu ka Bilaabi doonto Xarunta Jaamacadda University Lasanod. Dalkeena Soomalia Waxaa kaliya oo Jaamacadda Asian E University Soomaliya Heshiis la gashey Mogadisho University iyo Nugaal Unversity. Jaamacadda Shahaada bixineysa waa Jaamcad ku taaalla Wadanka India oo la Yidhaahdo Asian E University ) .

Mudada lagu Diyaarinayo Masterka Degreega Waa 18 Bilood oo ka Kooban 4-5 Semister Siina ah 14 Course. Lacagta Masterku Waa 1500 (Kun iyo Shan Boqol) USD Kaliya.

Qaybta Shareecada Waxaa Daadihinaya Dhawr Macallin oo uu ka mid yahay Dr.Sh.Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo Shahaada BhD Ah. Marka Ardayga uu Joogo India iyo Wadamada Jaamcadaha loo aado Qiimaha Ugu yar Waa 2000 .  Hadii adiga oo Jooga Dalkaaaga Hooyo 1500 Kaliya aad ku heli Karto Waa Nimce Alle .Waxaa Mahd Leh Allihii Inoo Nimceeye. Sidoo Kale Waxaan u mahad naqeynaa Maammulka Jaamacadda.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online