Kulankii Sh Umal iyo Ardayda Machadka Al-Furqaan ee Laascaanood (Masawiro)

June 7, 2014 - Written by Editor

IMG_7735Laascaanood:-Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa Saaka la Yeeshey Kulan Soo dhaweyn ah Ardayda Machadka Wey nee Alfurqaan , Kulankaasoo ay Soo Qaban Qaabiyeen Maamulka Mac-hadka iyo Macallimiinta Machadka Wax ka Dhiga.

Maamule ku Xigeed Mac-hadka Alfurqaan Bashiir Ibraahim Sugulle ayaa Shiikha Siiyey Warbixin Ballaadhan oo uu Kaga Hadlayo Taarikhda Mac-hadka , Heerarkii uu Soo Maray , Ardeydii Dhameysey Macadka , Kuwa Dhigta, Wiilal iyo Gabdho, Shaqooyinka ay u Qabtaan Bulshada Gobollada Sool , Sanaag iyo  Cayn, Faafinta Dacwada , Kaalmeynta Dadka Dhibaateysan iwm.

Ardayda Mac-hadka Wax ka Barata ayaa  Shiikh U Soo Bandhigey  Qaar ka Mida Culuumta ay Ka Bartaan , Gabayo Suugaan iyo Isugu Jirta Carabi iyo  Soomaali.iyagoo Ardeydu Wacdaro ka Dhigeen Shiikha Hortiisa .

Shiikh Maxamed Cabdi Umal Wuxuu Ardyeda u Jeediyey Muxaaadarao Kooban , oo Dardaaran ah, Wuxuu u Sheegey Ardayda iyo Macallimiinta iyo Ardeyda Inuu aad ugu Farxey Waxqabadka  Bandhigii Ardeydu Soo Bandhigeen , Wuxuu Sheegey In Midhahani uu Yahay Midhihii Shiikh C/Naaasir Xaaji Axmed oo uu Beerey , iyo dedaakiisii uu Alle ku Barakeeyey Shiikhu, Sidoo Kale Wuxuu Sheegey In aanu Arag  Waxqabadka Mac-hadku Illaa iyo Safarkiisii uu Kaga Soo kicitamey Nairob ee uu Ku Soo Marey Magaalooyin Badan oo Kamida Gobollada Galbeedka iyo Waqoyiga Soomaaliya.

Wuxuu Shiikhu Aaad ula Dhacey Gabey Soomaali ah oo uu ku Dul Akhriyey Ardey ka Mida Mac-hadka oo la Yiraahdo Mawliid Cumar Jaamac oo Ka Mida Ardayda ka Qalin Jebineysa Sanadkan .

no images were found

Ugu Danbeyntii Shiikhu Wuxuu U Mhad naqey Una Duceeyey Bahda Reer Furqaan , iyo Bulshada Laascaanod ku Nool, Uguna Duceeyey Inuu Alle Aduun iyo Aakhiro Dhawro.Aaakhirona Jannadii iyo Naxariistii Alle SW.

Halgan.net
Machadka Al-Furqaan
Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online