Kulankii Sh.Maxamed Cabdi Umal iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse[Masawiro]
June 16, 2014 - Written by EditorQardho:-Maalinimadii Axada 15/06/2014 waxaa guriga uu ka degan yahay magaalada Qardho Boqor burhaan Boqor Muuse uu ku soo dhoweeyey Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdigii la socday ee maalmahaanba safarka Dacwadeed ku maraayey degaanada Puntland gaar ahaan magaalada Qardho , Boqorka ayaa si diiran oo laab furan ku soo dhoweeyey Sheekaha iyo wafdigi Culimada oo uu hogaaminayey ,waxa uuna tilmaamay inuu ku faraxsan yahay maanta safarka dacwadeed ee shiikhu uu ku maraayey degaanada soomaalidu degto guud ahaan, gaar ahaana Magaalad Qardho.
Waxaa uu Boqor Burhaan Tilmaamay in culimadu ay mar walba ay ku hawlanaayeen fidinta diinta islaamka iyo islaaxinta bulshada, uuna ku faraxsan yahay safarka Sheekha iyo Culimada uu horkacaayo.Waxa Boqor Burhaan ugu baaqay Sheekha inuu marar badan uu joogteeyo safaradaan oo kale waxa uuna tilmaamay inuu diyaar uu yahay in Culimada uu kala shaqeeyo sidii umada loo islaaxin lahaa hogaan iyo bulshoba.
Dhanka kale waxaa Fadiilatu Sh. Maxamed Cabdi Umal uu ka mahad celiyey soo dhowaynta uu u sameeyey Boqor Burhaan isaga oo tilmamay inuu aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha badan ee degaanada uu maraayey loogu soo wada dhoweeyey taasina ay tusaale u tahay sida umadu u jeceshahay diinkooda iyo ehelka diinta, waxa kale oo sheekhu ku baraarujiyey in culimada iyo hogaamiyasha qaybahooda kala duwan in ay iska garabsadaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen islaaxinta umada diinkooda iyo dunidoodaba. Waxa uuna u duceeyey boqorka in ilaahay dhawro waafajiyona tubta iyo talada toosan aduun iyo aakhiroba. Ugu danbayntii booqashada waxaa boqorku sakootiyey wafdiga uu sheekhu Hogaaminayey.
no images were found
Mu’ssata Minhaaj
Qardho. Somalia