Maamulka KMG ah ee Juba oo soo dhaweeyey Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed (Daawo)
June 23, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Maamulka KMG ah ee Juba ayaa soo dhaweeyey heshiiskii dhexmaray labadii garab ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed waxaana arinkaas ka hadlay Afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax isaga oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada maamulka KMG ee Kismaayo,
Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenka maamulka Jubba ayaa wuxuu warfidiyeenada u sheegay in Maamulka KMG ee Juba uu soo dhaweynayo dhismaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana uu Maamulgobaleedkaas ka koobnaan doono Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Hoos ka Daawo shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta madaxtooyada maamulka KMG ee Kismaayo Afhayeenka Maamulka Juba
Cabdi Yare
Kismaayo