Machaahida Hoose ee Buuhoodle oo xaflad loo qabtay.[Video]
June 6, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:- Waxaa xaflada si heersare loo soo agaasimay loo qabtay dhamaan ardayda sanadkaan dhamaysay Machaahida Icdaadiga ah ee magaalada Buuhoodle kuwaas oo hoostaga Machadka Sare ee Al-furqaan ayaa loo qabtay aqoon is weydaarsi lagu kobcinayo aqoonta ardaydaan. Munaasibad xiritaanka oo ay ka soo qayb galeen qaybaha bulshada kala duwan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha gudiga horumarinta Macaahida raacsan Al-furqaan ee Buuhoodle Cabdiraxmaan Axmed Garaad Soofe ayaa faahfaahin ka bixiyey intii uu socdey aqoon is weydaarsigani.
Wuxuu sheegay in ilaa shan Muxaadaro oo aad u muhiim ah ardayda loo jeediyey mudo gaaban oo aqoon isweydaarsigu ka socdey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, kuwaas oo ay soo jeediyeen culimada kala ah:-
1- Sh. Cabdishaafi Axmed cali.
2- Sh.Mukhtaar Axmed xaaji faarax.
3- Sh.Axmed Sh.Cumar.
4.Sh.cabdilaahi Cabdisamad Cali Xassan.
5. Ustaada Xamdiyah Cabdirisaaq Xaaji Xassan.
Ardayda Qaatay aqoon isweydaarsiga ayaa ka kala socdey ilaa 3 (sadex) Machad oo kala ah:-
1. Umusalama
2. Al- Sunna
3. Machadka al-nuur.
Intaas ka dib waxaa hadalka isaga danbeeyey ka soo qayb galayaashii munaasibada oo isugu jira, jaamacadda bariga afika faraca buhodle, machadka sare ee alfurqaan, maamulayaasha macaahidda icdaadiga ah, masuuliyiinta golaha deegaanka, ganacsato, Culimo, & dhalinyaro. Ugu danbayna waxaa shirka soo xidhay Sh Axmed Sh Cumar oo kamid ah culimada waaweyn ee gobolka Cayn.
Magaalada Buuhoodle ayaa mudooyinkii danbe ku talaabsanaysey horumar dhanka adeeg yada bulshada ah Iyadoo waxbarashadu hadda tahay hogaanka horumarka ee gobolka Cayn.
Hoos ka Daawo Xafladda Xiritaanka Machaahida Icdaadiga ah ee Buuhoodle
Halgan.net