Machadka Saylac ee Culuumta Diinta lagu barto ee Boorame oo qabtay Xaflad.[Masawiro]

June 25, 2014 - Written by Editor

DSC08846Boorame:-Xaflad aad Uu Balaadhan Oo lagu soo gabogabaynayey Sanad dugsiyeedka 1433-1434 Hijriyada Amase 2013-2014 Miiladii ayaa lagu qabtay Machadka Saylac ee Ku Yaal Magaalada Borama. Xaflad oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay Maamulka Waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay Maamule Ku Xigeenka Machadka Saylac sh.maxamuud Yuusuf Cabdi ayaa waxa uu ku dheeraday imtixaanadii ardayda laga qaaday oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday mid degen isaga oo ardaydana kula dardaamay in ay dadaal si markaasi ay uu anfacaan waalidkoosa iyo naftooda. Iyo Macalimiinta Machadka Saylac Iyo Ardayda Wax ka barataa Isla Machadkaas.

Maamule ku xigeenka waxa kale oo uu xusay in ay ardayda ay ka faa’iidaystaan bisha baraykaysan ee Ramadaan ee Fooda nagu soo haysa isla markaana ay wakhtigooda ay ka faa’iideeyaan. Waxa kale oo isagna halkaasi ka hadlay Maamulaha Machadka saylac Sh.Xasan Khayre Dirir ayaa waxa uu sheegay in ay ardaydu ay mar walba ay ku dalaan sidii ay dadaalkooda ay kor ugu qaadaani lahaayeen.

Sh.xasan Khayre Dirir Oo Hadalkiisa sii wata ayaa  waxa uu mahadnaq balaadhan uu soo jeediyey macalimiinta machadka saylac oo ugu hambalyeeyey sidii ay ugu hagar baxeen sidii ay ardayda ay ugu qaadi lahaayeen imtixaano hufan oo ay ardaydu ay ku farxaan isaga oo ardaydana ugu bishaareyey in ay jawaais ay ku farxaan ay gudoonsiinayaan.
Maamulaha Machadka Saylac oo hadalkiisa ku gudo jira ayaa xusay in ay machadka saylac ay ku soo kordhin doonan culuum kale duwan.

Sheekh.Xasan Khayre Dirir ayaa waxa uu sii adkeeyey in ay ardaydu ay ka Faa’iidaystaan Bisha Ramadaan Madaama Uu machadka Uu Fasax Yahay Isla Markaana ay ardaydu wakhtigooda qaaliga ay kaga faa’iidaystaan wax wanaagsan. Ugu Danbeyntii Waxa uu Maamulaha Machadka Saylac Ardayda Machadka uu u Rajeeyey in ay wada guulaystaan oo ay mar walba ay macalimiintooda wax bartay ay mar walba ay Tixgeliyaan ayna Noqon Abaal Laawe. Xaflad Ugu Danbeyntii waxa Jawaais Kale Duwan La Gudoonsiiyey Ardaydii Kalmaha Hore ka Galay Imtixaanadii Machadka Saylac La Qaaday.

Si Kastaba Ahaate Machadka Saylac Waxa Uu Ka Mid Yahay Machada Faro Ku Tiriska Ee Gobolka Awdal ka Jira Waxaana Xusid Mudan In Xafladan ay Ku Soo GaboGabootay Jawi Degen Oo ay ku Dheehan Tahay Farxad Iyo Damaashaad.

no images were found

Ururka Badbaado
Borame,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online