Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u Ambabaxay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

June 14, 2014 - Written by Editor

IMG_8906Boosaaso:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganaciga Puntland isagoona ku sii jeeda Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta .

Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxwayne Gaas waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Caalamiga Ah,Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowlada Puntland.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxa uu sheegay in socdaalka uu ku tagayo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uu salka ku hayo adkaynta Xiriirka u dhaxeeya Labada Dowladood.

‘’Waxaan u amababaxaya wadanka isutaga imaaraadka carabta oo aanu ka helnay martiqaad rasmi ah aniga iyo xubno katirsan dowlada,socdaalkuna waxa uu la xiriira sidii aanu u adkayn lahayn xiriirka noo dhaxeeya’’Ayuu yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Waxaan xoojinaynaa wax wada qabsiga naga dhexeeya dhan Amni iyo waliba dhan horumarineed anagoo ka sii hormarinayna meesha uu hada joogo korna uga sii qadayna waxana rajaynayaa in socdaalkaasu guul ku soo dhamaado’’Ayuu Hadalkiisa raaciyay Madaxwaynuhu.

Ugu danbeyn Madaxwaynaha ayaa tilmaamay in dawladda puntland ay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in  ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.

no images were found

‘’Dagaalkii qaawana uu Maamulka Soomaaliland ku soo qaaday Degmada Taleex kuna laysay dad kuna barakicisay dad waa wax aan la qaadan Karin ‘’Ayuu Markale yiri Madaxwayne Gaas .

Safarka uu Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas maanta ugu amabbaxay Dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa qaadanaya Muddo dhan 5maalmood,waxana uu halkaasi kulamo kula leeyahay Masuuliyiinta ugu saraysa Dalkaasi.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online