Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo Xariga kajaray Wado Laami ah oo Dhan 5.9 km (Masawiro)

June 1, 2014 - Written by Editor

gaasBoosaaso:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Boosaaso Xariga kaga jaray Wado Cusub oo Laami ah, taasi oo isku xiraysa Dekeda iyo Laamiga Weyn ee Boosaaso dhanka koonfureed.

Xaflada Xarig jarka oo ka dhacday Hoolka Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Gobolka Barri,Kan degmada Boosaaso,Wasiiro,Waxgarad,Haween iyo dadwayne kale .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyey Munaasibada ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Wado Laami ah oo Cusub laga hirgaliyo Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland.

”Waxaan oran lahaa Hay’adda dhistay Wadadan ee UN-HABITAT wax kale haqaban hadii aad Hal Milyan oo Doolar aad hesho Jid noo geli,waxaanu rabnaa anagu wax waxtar leh oo wadanka ka muuqanaya”Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Gaas .

”Hada waxaa jirta lacag dowlada Germany ugu deeqday Puntland shirkii maalintii dhoweyd aanu ku qabanay Garowe kadib lacagtaasi oo dhan 23.5 Million oo euro,way isoo waydiiyen waxa ay noogu qabanayan,waxana u sheegay inay noogu qabtaan oo kaliya jid”Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas .

no images were found

”Boosaaso waxba ma ahaaten Puntland wax ma ahaaten hadaysan jidkaa iyo Dekadaa lahaan lahayn ”Ayuu yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Mashruuca lagu dhisayay wadadaan Laamiga ah ayaa waxaa bixisay Dowlada Talyaaniga,waxaana fulisay Hay’adda UN-HABITAT,Dowlada Puntland ayaa iyana fududaysay in mashruucani hirgalo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online