Madaxwaynaha Puntland Dr.Gaas oo kulan Nairobi kula qaatay Safiirka EU Michelle Cervone[Masawiro]
June 25, 2014 - Written by EditorNairobi:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo wali Dalka Kenya ujooga Howlo shaqo ayaa kulan gaar ah waxa ay wada qaaten Safiirka EU u jooga dalka Soomaaliya Michelle Cervone. Qodobadii ugu waaweynaa ee ay Madaxwayne Gaas iyo Michelle Cervone kawada hadleen waxaa kamid ahaa Siyaasadda guud ee Soomaliya, arrimaha Southwest State, Dhaqaalaha EU ee Puntland,Xiriirka EU iyo Puntland EUCAP iyo Illalinta badda puntland oo dowladdu xoog saartay .
Madaxwayne Gaas ayaa Michelle Cervone u sheegay in Xukuumadiisu ay ka go,antahay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac u dhaxeeya . Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wali wada dadaala uu rabo in u ku hormariyo Puntland,si ay kor uga sii sicto halka ay hada joogto.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.