Madaxwaynaha Puntland oo Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland ee Boosaaso[Masawiro]

June 4, 2014 - Written by Editor

IMG_8052Boosaaso:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tegay Xarunta ay Degan yihiin Ciidanka Ilaalada Badda Puntland oo ku taala Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri. Cutubyo katirsan Ciidanka Badda Puntland ayuu Madaxwaynaha Dowlada Puntland DR. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kaga qaatay Gudaha Xaruntaasi Salaan sharaf ay ku soo dhawaynayeen Madaxwaynaha Dowlada Puntland DR. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Agaasimaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakil sare oo katirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu dhamaanba ku soo wareegay qaybaha ay ka koobantahay Xaruntaasi,isagoona kulamo la qaatay Masuuliyiinta ugu sareeya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Masuuliyinta Ciidanka Badda Puntland PMPF ayaa waxa ay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku sharfeen Hadiyad ka samaysan Gor-gorka Astaanta u ah UAE. Waa Markii Labaad oo uu Madaxwaynaha Dowlada Puntland DR. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Kormeer ku tago saldhiga ay Gobolka Bari ku leeyihiin Ciidanka Badda Puntland PMPF.

no images were found

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,
Wacyigalinta,Hiddaha
Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online