Madaxwaynaha Puntland oo Kenya kula kulmay Safiirka Ingiriiska & Safiir ku xigeenka Maraynka iyo Hay’adda UNOPS.
June 25, 2014 - Written by EditorNairobi:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo goni gooni ah la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Safiir kuxigeenka Marayka iyo Sidookale Madaxda Hay’adda UNOPS. Kullankii uu Madaxwayne Gaas la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya Dowlada Puntland iyo ingiriiska iyo arrimo kale oo khuseeyo soomaaliya .
Madaxwayne C/wali Gaas ayaa sidookale la shiray Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya arrimaha ay ka wada hadleena waxaa ugu waaweynaa siddii dowladda Maraykanka ay u xoojinlahayd xiriirka wada shaqeyn ee ay la wadaagto puntland iyo Soomaaliya. Hay’adda UNOPS oo ah hay’adda ku howlan dhismaha Garoomada Puntland gaar ahaan Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayuu madaxwayne gaas madaxdooda kala hadlay sidii ay u dardar galin lahaayen dhamaystirka Goornka Diyaaradaha ee Magaalo ganacsi yeedka Puntland ee Boosaaso.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland