Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay sanad guurada 1aad ee Xafiiska UNSOM (Masawiro+Cod)

June 3, 2014 - Written by Editor

4Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta maamuusay sanad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay shaqada Erada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), wuxuuna guddoomay oggolaanshaha idan ee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu cusbooneysiiyey UNSOM sanad kale.

Madaxweynuhu waxa uu amaanay shaqada Qaramada Midoobay iyo hoggaaminta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya(SRSG), Nicholas Kay,isaga oo yiri, “ Qaramada Midoobay waxa ay mar kasta saaxiib wanaagsan oo nagala shaqeynaya sidii aan u dhalin laheyn Soomaaliya oo xasilan islamarkaana taabba-gasha. Waxa aan qiimo weyn u heynaa kaalinta UNSOMee isuduwidda howlaha kala duwan ee waxtarka Qaramada Midoobay ee isugu jira : gaarsiinta gargaarka bani-aadamnimo ee naf-badbaadinta; gacan-siinta dhisidda hey’adaha nabad-galyada iyo cadaaladda; horumarinta ajandaha xuquuqul-insaanka; taageeridda tillaabooyinka aan ku dhiseynno hab-maamuleedka maaliyadda guud oo xooggan oo hufan; iyo garab-istaagga Higsiga 2016 lagu dhisayo Qaran Federaal ah, Dastuurka iyo gaarsiin doorashooyin guud sanadka 2016.”

Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in Dowladda Federaalku ay dejisay Ajende han-weyn ee ku aaddan wax-qabadka sanadka 2014, waxaa uuna sidoo kale xusuusiyey xasillooni siyaasadeed iyo in dhammaan lawada-shaqeeyo iyad oo ay muhiim tahay in dhinac kasta uu qabto shaqada loo igmaday si loo gaaro guul.

no images were found

“Waxa aan qiimo weyn u heynaa taageerada socota ee Qaramada Midoobay iy saaxiibadeenna kale ee caalamiga ah ee fulinaya qeybtooda ku aaddan wadaagga-horumarineed. Waxa aan niyad-wanaag ku sugeynaa sii socoshada wada-shaqeynta Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo waliba UNSOM si ay u suura-gasho u sii-dhawaansha gaaridda rabitaankeenna guud ee nabad iyo barwaaqa ka dhalata Soomaaliya,”ayuu Madaxweynuhu ku soo gaba-gabeeyey.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha DFS ka jeediyey golaha baarlamaanka Soomaaliya

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/yrd4t3pd7z/Baroordiiqa.MP3.mp3]
….DHAMAAD……

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online