Madaxweynaha DFS oo maanta gaaray magaalooyinka Jowhar iyo Xudur
June 18, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalooyinka Jowhar iyo Xudur mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM iyo boqollaal dadweyne ah .
Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka iyo masuuliinta magaalooyina Jowhar iyo Xudur waxaana ay ka wada hadleen sidii loo sugi lahaa amaanka meelna looga soo wada jeesan lahaa kooxda Al-Shabaab oo cunaqabateyn saartay shacabka magaalada Xudur .
Guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallin Axmed ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin socdaalka uu Madaxweynaha DFS ku yimid magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool.
A/Cawale
Halgan.net