Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo beeniyey in Al-shabaab ka danbeysay weeraradii ka dhacay Lamu.[Video]

June 17, 2014 - Written by Editor

Uhuru-kenyattaNairobi:-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo galabta khudbad u jeediyey warbaahinta dalka Kenya ayaa beeniyey in Ururka Al shabaab, ka danbeeyey weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Xeebta ah gaar ahaan Lamu. Koox Hubeysan ayaa laba weerar oo kala duwan ka geystay Deegaanada Mpeketoni iyo Poromoko waxaana ay laba weerar ku dileen 70 ruux waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan .

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbadiisa waxay socotay in ku dhow 10 daqiiqo wuxuuna khudbadiisa uga hadlay amaan dalka Kenya isaga oo ugu baaqay shacbaka Kenya in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka dalka wuxuuna ugu baaqay in aysan dhag jalaq u siin dicaayada ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya. Halkaan ka eeg Al-Jazeera oo xiganaysa hadalkii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta 

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in weerarada ka dhacay Deegaanada Mpeketoni iyo Poromoko ay ka danbeeyeen Shabakaddo Siyaasadeed oo gudaha dalka Kenya ka jira wuxuuna sheegay in weerarka uu ahaa mid siyaasadeysan. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan qabin cabsi ku aadan dhanka amaanka wuxuuna sheegay in ay ku dadaali doonaan xasilinta dalka balse laga hor taagan yahay waloow uusan xusin cida ka hortaagan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa balan qaaday in dowladiisa ay sameyn doonto baaritaan adag si loo ogaado cid qeysatay weerarada ka dhacay Deegaanada Mpeketoni iyo Poromoko. Dhanka kale Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto Al-Shabaab wuxuuna ku faanay in ay guul ka gaareen isaga oo balan qaaday in ay dowladiisa sii wadi doonto.

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha Kenya uu ku diiday in Al-Shabaab ka danbeyso weeraradii ka dhacay Lamu .

Dhinac kale Afhayeenka Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ururkooda ay ka danbeeyo weerardii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay gobalka xeebta ah ee Lamu waxaana uu sheegay in Kenya ay tahay furin dagaal ayna sii wadi doonaan weerarda ay ka geysan doonaa gudaha dalka Kenya.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee uu qabtay saxaafadda Afhayeenka Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/guwsn8mp9z/Sh.Abu_Muscab.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online