Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey dalka Kenya

June 23, 2014 - Written by Editor

4Nairobi:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa si maqaamsare loogu soo dhaweeyay dalka Kenya. Waftiga uu Hogaaminayo Madaxwayne Gaas waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Wasiir Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga,iyo Sarakiil Madaxtooyada Puntland katirsan.

Soo dhaweynta Waftigaasi waxaa ka qayb qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Wakiilka Puntland u Jooga Dalka Kenya, Wasiiro, Ganacsato, Qaybta protocolka Madaxtooyada Kenya iyo madaxkale oo dalkaasi katirsan.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Dowlada Kenya,waxana uu kulamo la qaadan doona mudada uu halkaasi jooga Masuuliyiinta Dalka Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta . Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la balansan US, UK, World Bank, UN, iyo Madaxda dhowr safaaradood oo ku yaala Dalkaasi.

-DHAMMAAD-

Xafiiska,Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha iyo Dhaqanka
ee Madaxtooyada Puntland

Faafin: Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online