Madaxweynaha Puntland oo maanta Daah-Furay Mashruuca lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.[Masawiro]

June 11, 2014 - Written by Editor

IMG_8826Garoowe:-Xafladaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Saddexda Gole ee Puntland,Saraakil ka socday Hay’adda Qanadarasyada u qaabilsan dalka Talyaaniga ‘’UNOPS’’ Waxgarad,Maamulka Gobolka Barri, Culimo’ udiin,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Marti sharaf kale.Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyay Madasha ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso uu noqonayo garoon ay leeyihiin Soomaali oo idil.

‘’Waxanu siinay Mashruucaan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction  Corporation (CCECC),waa Kambani aad u weyn,waana kambanigii dhisay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tansaaniya iyo Saambiya ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay Garoonka Cida ugu dhow ee sheegatay ayuu Kambanigu ahaa,Dowlada iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo’’Ayuu Markale Yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas. ‘’Masuuliyiinta kambaniga ninka ugu sareeyana waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay Puntland u imaan lahaayen anagana jecel in ay noo yimaadan,oo dalka yimaadan isalamarkaana ay maalgashadan lagana shaqeeyo nabadgalyadoo’’Ayuu hadalkiisa raciyay Madaxaynaha Puntland Mudane Cabdiwali Gaas .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in lagu dhamaynayo dhisamaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso muddo dhan 10-bilood ilaa Halsano,waxana xigi doona garoomada Diyaaradeed ee Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo. ‘’Sanad kabacdi Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah wuu ka hirgalidoona Magaalada Boosaaso’’Ayuu Khudbadiisa ku soo xiray Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Sheegay in qalabkii lagu dhisaayo Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yaalo Dalka Jabuuti,dhawaana Boosaaso uu soo gaaryo si ay howshu u bilaabato. Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa intaasi kadib booqasho rasmi ah ku tagay Hotel Casri ah oo dhawaan laga hiragalinayo Magaalada Boosaaso,kaasi oo lagu magacaabato Hotel Gacayte.

no images were found

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online