Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe (Masawiro)

June 28, 2014 - Written by Editor

DSC_2120Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey safaro shaqana ugu maqnaa dalka Dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlada Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigii uu Hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada.

Dadweyne aad u fara badan Watayna Calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa iyaguna ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si weyn uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.

Soo dhaweyn kadib Madaxwaynaha iyo Masuuliyiinti la socday ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Puntland waxana halkaasi Warfidyeenka kula hadlay Madaxwayne Gaas,isagoona faah faahin kabixiyay Socdaalki uu ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

‘’Socdaalkaygu waxa uu la xiriiray xiriirka Puntland la yeelanayso Wadamada Dariska ah iyo Dalalka wanaaga iyo Walaaltinimadu naga dhaxayso,socdaalkaygii wadanka Imaaraadkana waxa uu ahaa socdaal fiican,waxana lakulmay madaxda dalkaasi,waxana ay noo soo dhaweeyen si wanagsan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Waxaan rajaynayaa xiriirka oo Wanaagsanaada in uu sababayo isbadal dhab ah oo ka dhaca Puntland,waxbadana waan ku hashiinay dawlada Imaaraatka’’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxwaynaha ayaa Hambalyo kal iyo Laab ah udiray dhamaanba shacabka soomaaliyeed isagoona ugu hambalyeeyay sanad guuradii 54-aad ee ka soo wareegatay maalintii ay xorroobeen gobollada waqooyi isl-markaana Ciida Soomaaliyeed laga taago Calanka Soomaaliya. ‘’Waxaan runtii aad uga xumahay in meeshi Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya laga saaray Maalinta uu san maanta saarnay balse uu saaranyahay midkale oo aanu anagu midabkiisa garanayn ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sidookale Hambalyo u diray Shacabka iyo Dowlada Walaalaha aynu Nahay ee Jabuuti oo iyagu u dabaaldagay 37 guuradii ka soo wareegatay maalintii ay xoriyadda qaateen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayay safaradii ay ku tageen dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Kenya waxa ay qayb ka yihiin tallaabooyinka ay xukuumaddu u qaadayso dhinaca horumarka iyo adkaynta xiriirka ay Puntland la wadaagto dalalka caalamka.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online