Madoobe Nuunow oo ka horyimid heshiiskii ka dhacay Muqdisho
June 23, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Madaxweynaha lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow ayaa ka horyimid heshiis maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lagu sheegay in uu ahaa gogol xaar maamul loogu magacdaray Maamulka Koonfur Galbeed oo loo sameeyey gobollada Sh/hoose, Bay iyo Bakool, heshiiskaas oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madoobe Nuunow ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid laga xumaado oo la marin habaabiyey ayna u dhamayn dhinacyadii isku hayey maamulka Koonfur Galbeed isagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobol ee uu hogaamiyo uusan raali ka ahayn heshiis kaas.
Madoobe Nuunow ayaa horay u tegay magaalada Muqdisho waxaan uu kulamo kale duwan la soo qaatay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya wallow shirarkaas aan saxaafaddu wax xog ah oo rasmi ah aysan ka hellin.
Dhinac kale Ergeyga gaarka ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya James P. McAnulty, ayaa dhinaciisa ka soo dhoweyey heshiiska ka dhacay Muqdisho wallow arrinkaas la saadaalinayo in ay tahay arrimo abuuri doona colaad dhex marta beelaha Soomaaliyeed oo isku qabsan doono deegaano ay wada degaan.
A/cawaale
Halgan.net