Maxamed Saciid Atam oo Shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho eedeeyeyna Al-Shabaab.[Dhageyso]

June 7, 2014 - Written by Editor

Maxamed-Sacid-AtamMuqdisho:-Hogaamiyihii hore ee Buuraha Galgala Maxamed Siciid Atam ayaa maanta isku dhiibay ciidan ka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku qabtay magaalada Muqdisho shirjaraa’id oo ay ka soo qayb galeen warbaahinta kale duwan ee ka howl gasha magaaada Muqdisho. Maxamed Siciid Atam ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha rasmiga ah ee uu uga soo goostay ururka Al-shabaab waxaan war-saxaafadeedkiisa uu qoraa sida tan:-

Anigoo ah Sh.Maxamed Siciid Maxamed (Atam), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah.Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah.

Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood:-

1-Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxirka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan.
2-Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka.
3-Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda.

4-Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban. Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xiraan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara.

4.Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan.

5-Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood.

6-Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn dano shisheeye.

7-Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda  iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey.

Halkaan ka dhageyso Shirka Jaraa’id uu muqdisho ku qabtay Hogaamiyihii hore Al-Shabaab ee Galgala Maxamed Saciid Atam

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/1j0m0n4k09/Atam.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online