Muxaadaraad kale oo uu Sh Umal Ka jeediyey Magaalada Hargeysa[Daawo]
June 2, 2014 - Written by EditorHargeysa:-Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa Ardayda Jaamacada Hargeysa u galay Muxaadaro ciwaankeedu ahaa Dawrka Ardayga, muxaadaradaas oo uu kaga hadlay Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay Ardayga Iyo in ay dhaqanka wanaagsan ku jirto Waxbarashada oo adkaysi iyo Samir loo yeesho oo aanu ardaygu noqon qof jilicsan oo ka cabsada culuska waxbarashadu leedahay. Waxa kale oo Sheekha Ardaydii soo buux dhaafisay hoolka Jaamacada Hargeysa ay halkaa ku waydiiyeen Su’aalo aad ugu mihiim ahaa ardayda dhigata Jaamacadaha Dalka.
Waxaan maanta mar kale idiin soo gudbinaynaa qaar ka mid ah muxaadaraadkii uu Sh Umal ka galay magaalada Hargeysa gaar ahaan Masjidka Cali Mataan iyo goobaha waxbarashada gaar ahaan Jaamacadda Hargeysa.
Hoos ka Daawo Dawrka Ardayga Sheekh.Maxamed Cabdi Umal
Hoos ka Daawo Jaamacada Hargeysa Iyo Sh.Maxamed Cali Jaamac
Hoos ka Daawo Su’aalihii Ardayda Jaamacada Hargeysa Iyo Sh.Maxamed Cabdi Umal
Hoos ka Daawo Waa Ayo AhluSunah Wal Jamaaca Sh.Maxamed Cabdi Umal
Hagan.net