Muxaadaraadkii uu Sh Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey magaalada Boorame.[ Video]
June 3, 2014 - Written by EditorBoorame:-Waxaa maalmihii la soo dhaafay socdaal dacwadeed ku tegay magaalada Boorame wafdi culimo ah waxaan uu Shiikh Umal uu 28/05/014 tegay Boorame waxaan uu jeediyey habwanaaga yeedhista diinta waxayna ka dhacday Masjidka Abu hureyra iyo isla markaasna uu Shiikh Umal uu ka jawaabay Su’aalo fara badan. Maalintii ku xigtay 29/05/2014 ayaa waxa uu Sh.Maxamed Cabdi Umal kulan la yeeshay ardayda Jaamacadda Camuud iyo maamulkeeda halkaas oo Hole aad u weyn oo ay jaamacadu leedahay ay iskugu yimaadeen arday fara badan.
Kulanka ardayda iyo Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ee ka dhacay Jaamacadda Camuud ayaa waxaa yimid arday gaaraysa ilaa 4000 arday waxaan uu Shiikhu u jeediyey dardaaran aad u wanaagsan iyadoo Shiikha sidoo kale a wiidiieyey Su’aalo .Sidoo kale ayaa 30/05/2014 waxaa uu Shiikh Umal uu muxaadaradi labaad ka galay Masjidka Abu Hureyra waxaan uu ka hadlay Isku miisaamida maslaxada iyo mafsadada.
Maalintii xigtay ee ay bishu ahayd 29/05/2014 ayaa waxa salaadi subax ka dib maalin jimco ahna ku began uu Sh Maxamed Cabdi Umal uu kulan gaar ah la yeeshay ardayda Machadka SAYLIC ee magaalada Boorama kuwaas oo a oobnaa Arday ka baxday Machadakuwa hadda dhigta iyo Macalimiinta Maadaarista qur’aanka kariimka ah dhiga isagoo Shiikhu uu uga jawaabay su’aalo ay qabeen.
30/05/2014 ayaa waxa u Sh Maxamed Cabdi Umal uu ka jeediyey Masjidka Qadiimka ah ee Sh Cali Jowhar iaydoo maalintaaas aad loo soo buuxdhaafiyey masjidka ilaa ay gaartay in dadweynaha qaarkood ay fuulaan masjidka fooqiisa sare iyo hareerihiisaba si ay u dhagaystaan khudbada jimce.
1. Hoos ka Dhagayso Habwanaag yeedhista diinta Sh Umal
2. Hoos Ka Daawo Dardaaran Aqooneed Ardayda Jaamacada Camuud Sh Umal
3. Hoos ka Daawo isku miisaamidda maslaxa iyo mafsadada Sh Umal
4. Hoos ka Daawo Dardaran Guud uu siiyay Ardayda Machadka Saylac Sh Umal
5. Hoos ka Daawo Khudba Jimce SH Maxamed Cabdi Umal MasjiduSh Cali Jawhar Borama
Ururka Dhalinyarad ee Badbaado
Borame , Hagan.net