Nadwadii sanadlaha ahayd ee ka socotay magaalada Gaalkacyo oo habeenkeedii 2aad gashay.[Dhagayso]

June 23, 2014 - Written by Editor

DSC02089Gaalkacyo: Waxaa habeenkeedii labaad gashay  Nadwado cilmiyeeddii 6aad ee ka socotay magaalada Gaalkacyo ee xaruna Gobalka Mudug ,iyadoo cinwaanka muxaadaradu uu ahaa Macsida iyo raadka xun ee ay kuleedahay bulshada, waxaana soo jeediyay Sh.Aadam Muxamed Cigaal .Shiikha ayaa ka hadlay macsiyada waxa ay tahay sharci ahaan iyo luqad ahaanba,wuxuu sidoo kale shiikhu ka hadlay qaybaha dunuubta oo uu u qaybiyay mid wayn iyo mid yar.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad ugu dheeraaday waxyaabaha keena macsidaya iyo waliba dhibaatooyinka laga dhaxlo macaasida , isagoo ka digay raadadka xun xun oo ay ku keeni karto bulshada iyo waliba deegaanka,  kuna booriyay bulshada inay ka hortagaan , ayna uga hortagaan qof walba siduu awoodi karo, isagoo cadeeyay hadaan sidaas la yeelin dhibaatada ka dhalata macaasida aysan ku koobnaan doonin cidii samaysay.

Ugu danbayn shiikhu waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeyay sida macasida looga soo laabankaro isagoo sheegay in loo baahan yahay towbad nasuuxa ah oo wadata shuruurdihii towbad keenka. Muxaadaradan oo ah tii labaad ayaa waxa ka soo qayb galay dhagaysigeeda dad wayne aad u fara badan , iyadoo sidoo kale laga dhagaysanayay goobo badan taas oo ay fududaysay idaacada quraanka kariimka ee al- xikma.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii xalay فضل العلم وآداب المعلم والمتعلم Sheekh C/casiis shiikh Cali

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/zxf4wn0ope/Cilmiga.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Mu’ssata Minhaaj
Garowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online