Puntland oo masiibo qaran ku tilmaamtay kalluumaysiga sharci daradda ah.[Masawiro]

June 2, 2014 - Written by Editor

IMG_7735Garoowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay In laga bilaabo shalay (01/06/2014) uu maamulkiisa u aqoonsatay kalluumaysiga sharci darrada ah in uu yahay “masiiboqaran. Kalluumyasiga sharic darrada ahi waa mushkilad caalami ah oo dhibaato weyn kuhaysa waddamo badan oo xeebaley ah, Soomaliyana ka mid tahay. Iskudar, waxaa adduunka laga xadaa kalluun qiimihiisa lagu qiyaasay sannadkii inta u dhaxaysa afar (4) ilaasagaal (9) billion oo dollarka Maraykanka ah.

Waddamada ka hooseeya Saxaraha, oo ay Soomaaliya kujirto, waxay ku waayaan kalluumay siga sharcidarrada ah lacag dhan hal (1) billion oo dollar sannadkii. Sidoo kale, Soomaliya kaligeed waxaa laga dhacaa kalluun qiimihiisu gaarayo 300 million oo dollar sannadkii,sida ay muujinayaan warbixinno caalami ah oo meelo kaladuwan ka soobaxay.

Nasiibdarro, lacagahaan looma qiimayn qalabka laga burburiyo kalluumasatada, kalluunka laga daadiyo, Dhibaatooyinka soo gaara degaanka iyo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin nolol maalmeedka bulshooyinkaas.

Haddaba:

Markaan tixgeliyey,talosoojeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda markaan soo arkay dhibaatooyinka ka jira deegaannada xeebaha ee uu keenay kalluumay siga sharcidarrada ah.Markaan tixgeliyey cabashada iyo qeylodhaanta ka soo yeeraysa bulshooyinka xeebaha deggan iyo hey’adaha ku hawlan ilaalinta degaanka iyo tashiilka noolaha badda.

Markaan arkay qaraarrada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la dagaallanka kallumaysiga sharcidarrada ah,Soomaaliyana ay qeybkatahay.
Markaan ogaaday boobka iyo dhaca lagu hayo kheyraadbadeedkeenna iyo cawaaqib xumada kadhalankarta haddii aan si degdeg ah wax loogaqaban.

Waxaan go’aamiyey:

1. In lagabilaabo shalay (01/06/2014),DawladdaPuntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran”,

2. In loo jiheeyo awoodda Dawladda iyo bulshada reer Puntland la dagaallanka kalluumasiga sharcidarrada ah,

3. In lala tiigsado sharciga cid allaaliyo cidii (Soomaliiyo ajnebiba) ku hawlan kalluumasiga sharcidarada ah biyaha Puntland,

4. In Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Baddu ay meelmariso xeerarka kalluumaysiga Puntland,sida ugu dhakhsaha badan.

5. In ciidanka ilaalada baddu uguto waa jibaadkooda ku aaddan la dagaallanka kalluumaysiga sharcidarrada ah,kana hawlgalo dhammaan biyaha Puntland.

6. Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo waddammada aan saaxiibkanahay in ay gacan nagu siiyaan dagaalka kadhanka ah kalluumaysiga sharcidarrada ah.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi galinta,
Wacyi galinta iyo hidaha iyo dhaqanka

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online