Puntland oo taageertay heshiiskii Muqdisho ee maamul Koonfur galbeed ee 3 Gobol.[Dhagayso]

June 24, 2014 - Written by Editor

Quraan-JecelGaroowe:-Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay mowqifkeeda ku aadan heshiis ay shalay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya , Madaxda IGAD Kenya , Itoobiya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ay dhex dhigeen siyaasiyiin isku khilaafay inta gobol eeuu ka koobnaanayo maamul Gobolleedka Koonfur galbeed iyagoo ugu kala qaybsanay 3 gobol ilaa 6 gobol balse shalay lagu heshiiyey in uu noqdo 3 Gobol.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa waxaa u sheegay in dowladda Puntland ay soo dhaweynayso heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho ayna taageersan yihin maamulka Koonfur galbeed ee 3 gobol ka kooban.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland C/laahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel) ayaa yiri “ Madaxda Dowladda Puntland iyo shacabkeedu waa ay soo dhaweynaysaa wayna bogaadinaysaa hanaan Federaalka ee hadda sidda fiican u socda , mana taageerayno khilaaf waxaan bogaadinaynaa in wax walba oo khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal

Hoose ka dhagayso Waraysi Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland C/laahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel) uu siiyey Radio Garoowe

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/qef75idjjj/taageerid.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online