Qaar ka mid ah Xaqiiqooyinka Sayniseed ee Islaamka (Some of the scientific truths of Islam) Part 1
June 27, 2014 - Written by EditorW/Q: Dr. Warfa Abdi Mohamed (Garweyne), former lecturer in Hydrogeology and Groundwater scientist.
Waxaan qormadaan u hibeeyey kuna xasuusanayaa shiikheennii qaaliga ahaa Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), shiikhii axaadiista ee Soomaaliya iyo Sh.Axmed Cabdiraxmaan. ILAAHEY naxariistii janno ha siiyo.
1: Afeef
Isaga oo kaalmaysanaya awoodda Alle ee weyn, wuxuu qoraagu isku deyeyaa in uu muujiyo in Qur’aanka Kariimku uusan ahayn kitaab cibaado oo keliya (soon & salad) ee uu yahay, weligiisna ahaa, aqoon sayniseed had iyo goor cusub oo xaqiiq ah (new scientific truth). Haddaba, wuxuu qoraagu ka afeefanayaa:
a) In wixii uu qoraagu ku gefo ay tahay wax shakhsi ahaan qoraaga ugu kooban ee ma aha wax ka mid ah Islaamka, wixii uu xaqiijiyaana ay tahay Alle galladdiis;
b) In uusan soo gudbin doonin wacdiga diiniga ah ee aayadaha Qur’aanka; wuxuu soo gudbinayaa oo keliya awoodda sayniseed ee ka buuxda aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada (the powerful scientific principals);
c) In Aayadahaas iyo Axaadiistaas aan loola jeedin mayal-adayg diimeed, iyo xagjirnimo ee loola jeedo oo keliya soogudbinta xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka.
Halkaan ka akhriso Xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka qaybtii koowaad
Faafin:Halgan.net